Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan

0

MAXAAS (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha guutada 5-aad ee qeybta 27-aad Maxamed Xasan Baakaay oo horkacayey howlgalka ayaa sheegay inay ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Baakaay ayaa xusay in howlgalka ay ku dileen ugu yaraan 12 ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab, ayna ku burburiyeen saldhig weyn oo ay ku lahaayeen halkaasi.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo culus ka waday deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here