Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay xal u helidda barakacayaasha

0

Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshayenta Qaranka Marwo Sahra Cabdi ayaa kulan mira-dhal ah la yeelatay Agaasimaha u qaabilsan Guddiga Qaxootiga Daanish (Danish Refugee Council-DRC) Ms Heather Amstutz.

Labada Mas’uul ayaa kulankooda ku lafa guray  kor-u-qaadidda Iskaashiga ku aadan taageerida bulshooyinka barakacu saameyay ee dalkeenna sidii xal waara looga gaari lahaa.

Marwo Sahra Cabdi Agaasimaha waxa ay warbixin kooban ka bixisay howlaha la xariira xal u helidda bulshada barakacu saameyay, taas oo si weyn wax uga qabanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla amarkaana ujeedadiisu tahay in ay xoojiyaan dadaallada ay hadda waddo Guddiga Qaxootiga Daanish ee Soomaaliya.

Agaasimaha u qaabilsan  Guddiga Qaxootiga Daanish  Geeska Africa (Danish Refugee Counci-DRC) Ms Heather Amstutz   waxa ay si weyn  u bogaadisay  dedaallada ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xariirta taageeridda bulshada  uu  saameyay barakacu, taas oo ah mid muuqata.  Sidoo kale waxa ay tilmaamntay in dhankooda ay ka go’an tahay ka gacan siinta Dowladda Soomaaliya sidii xal waara laga gaari lahaa arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha oo ah meelaha ay ugu nugushahay bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here