Xulka qaranka ee 17 jirada oo lagu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Xulka qaranka ee 17 jirada Soomaaliya ayaa goordhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kadib guushii ay ka soo gaareen ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Madax kala duwan iyo shacab fara badan ayaa ciyaartoyda kusoo dhoweeyey garoonka Aadan Cadde oo laga soo dajiyey koobka CECAFA oo ay ku guuleysatay Soomaaliya.

Xulka qaranka ee 17 jirada dalkeenna ayaa ciyaartii u dambeysay ka adkaaday dhiggooda dalka South Sudan oo ay uga badiyeen 3-1.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda dabaal-deg weyn iyo soo dhoweyn ballaaran, ayada oo inta badan la xiray waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here