Wareysi: Yaa ka dambeeyey dilka Sheekh Cismaan Axmed Geedi iyo wiilkiisa?

0

CADAADO (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Allaha u naxariistee dilkii loo geystay Sheekh Cismaan Axmed Geedi iyo wiil uu dhalay, kaas oo xalay ka dhacay deegaanka Dhisaq Shurufle ee gobolka Galgaduud.

AUN u naxariistee Sheekha oo horey u soo noqday guddoomiyihii maxkamadda degmada Cadaado ayaa isaga wiilkiisa la dilay xilli ay dukanaayen saaladdii cishe, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Dilka ayaa waxaa fuliyey rag hubeysan, kuwaas oo marxuumiinta huwiyey rasaas, kadibna goobta isaga baxsaday.

Guddoomiyaha maxkamadda degmada Cadaado Cabdicasiis Ciise Cali oo ah ninka beddalay Sheekh Cismaan oo xalay lagu dilay gobolka Galgaduud ayaa sheegay in dilkaas ay geysteen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kadibna ay goobta isaga carareen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ciidamada ammaanka ay wadaan baaris dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi iyo sidii loo soo qaban lahaa dableydii ka dambeysay.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadaysa, xilli haatan deegaanada maamulka Galmudug ay ka socdaan dagaallo culus, kuwaas oo deegaano badan looga qabsaday Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyey deegaanka Baxdo oo maalmo kahor ay la wareegeen ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ee howlgallada ka wada gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here