Yaaqshiid oo xalay guul ka gaartay dhiggeeda degmada Cabdicasiis

0

Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku baratamay degmooyinka Yaaqshiid iyo Cabdicasiis oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Labada degmo oo ku wada jira group-ka A ayaa waxa ay soo bandhigeen tartan xiiso badan, hayeeshee waxa ay guushu raacday tartamayaasha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Cabdicasiis ayaa heshay dhibco gaaraya 2, halka Yaaqshiid ay keensatay 6 buundo, sida uu ku dhowaaqay natiijada Cali Cumar Cabdalla oo ka mid ah guddiga tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here