Yaasiin Farey oo loo doortay xubin ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Farey) oo ah agaasimaha KMG ee hay’adda NISA ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Yaasiin Farey ayaa helay 68 cod, halka musharixii la tartamayey ee Maxamed Cali Culusow oo isna helay 20 cod, sidoo kale waxaa halaabay 3 cod, sida uu shaaciyey guddiga.

Kursigan ayaa waxaa horay ugu fadhiyey Cadow Cali Gees oo muddo ka tirsanaa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Doorashada ayaa sii soconeysa, waxaana galabta la qabanayaa kursiga xiga ee HOP#43, kaas oo uu horay ugu fadhiyey xildhibaan Xuseen Iidow oo markale tartamaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here