Ciidamada Israel oo qabtay nin kusoo jeeday Soomaaliya si uu ugu biiro Daacish

0

TEL AVIV (SMN) – Ciidamada ammaanka Israa’iil ayaa xiray qofi looga shakiyay inuu isku diyaarinayo ku biirista Daacishta Soomaaliya, oo hadda Mareykanka uu ka digayo inay martigeliso hogaamiyaha Ururka, isla-markaana isku ballaariso gobolka Geeska Afrika.

 

Eedeysanaha oo da’diisa lagu sheegay 17-sano jir, ayaa ka soo jeeda Waqooyiga-bari ee Israel oo ay degan yihiin Muslimiinta, waxaana gacanta ku dhigay Askar ka tirsan Booliska iyo Hay’adda Ammaanka Israel (Shin Bet).

Wakaaladaha wararka Israel ayaa sheegay in tuhmanaha uu sameeyay diyaar garow ballaaran oo uu ugu biirayo Daacishta ka dagaalanta dalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin qoraal uu usoo diray, aruurinta lacag aad u badan, isagoo kala soo hadlay dhanka internet-ka xubno ku sugan buuralayda Puntland.

Tan iyo markii Xamaas ay weerartay maamulka Yahuudda 7-dii October, Israa’iil waxa ay fashilisay qorsheyaal badan oo weeraro ay Daacish ku fulin lahayd.

Bishii Abriil, afar Carab ah oo ka yimid bariga Quddus oo la sheegay inay katirsan yihiin Daacish, kuwaas oo laba ka mid ah qorsheynayay inay weeraraan saldhig booliis oo u dhow garoonka ciyaaraha caasimadda Israel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here