AFRICOM oo beenisay in ay duqeyn ku dileen dhakhaatiir Cuba u dhashay

0

WASHINGTON – Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in aysan ku lug laheyn dilka la sheegay in lagu dilay labo dhaqaatiir ah oo u dhashay dalka Cuba, kuwaasi oo Al-Shabaab sheegtay in ay ku dhinteen duqeynta Mareykanka uu ka fuliyay Jilib bishii February 2024.

 

Qiimeyntii ugu dambeysay ee waxyeelada rayidka ee saddexdii biloodba mar ay daabacday Taliska Mareykanka ee Afrika, sidoo kalena loo yaqaano AFRICOM, ayaa xaqiijineysa in ciidamada Mareykanka ay duqeyn cirka ah ka fuliyeen meel u dhow magaalada Jilib 15-kii February, balse waxay beeniyeen in duqeynta ay sababtay dhimashada dhakhaatiirta.

“February 17, 2024, talisku waxa uu helay hal (1) warbixin ah ilo war-baahinta online-ka ah oo sheegaysa in laba (2) qof oo rayid ah lagu dilay hawlgal ay ciidamada Maraykanku ka fuliyeen agagaarka Jilib, Soomaaliya, Feb. 15. 2024,” ayaa lagu yiri qiimeynta.

“Talisku wuxuu soo gabagabeeyey dib u eegis lagu sameeyay xogta la hayo, wuxuuna qiimeeyay in duqeyntii Mareykanka ee dhacday Febraayo 15, 2024, aysan ka dhalan waxyeello rayid ah.”

Iyagoon wax caddayn ah soo bandhigin, Al-Shabaab ayaa xilligaas sheegtay “duqeymaha cirka” inay ku dileen Assel Herrera iyo Landy Rodriguez. Labadan qof ayaa ku jiray gacanta maleeshiyada tan iyo bishii April 2019, markaasoo laga soo afduubay degmada Mandheera ee waqooyi bari Kenya.

Dhakhaatiirtan ayaa ka mid ahaa koox caafimaad oo Cuba u dirtay Kenya. Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawir ay ku muujinayaan meydka mid ka mid ah dadka la qafaashay. VOA Somali si madax banaan uma xaqiijin in dhakhaatiirta Cuba ay dhinteen iyo in kale.

Sidoo kale, AFRICOM ayaa sheegtay inay soo gabagabeysay qiimeynta labo dhacdo oo kale sanadkan – mid 25-kii Janaayo ka dhacay agagaarka Galhareeri ee dowlad goboleedka Galmudug iyo 22-kii bishii February ee sanadkan ka dhacay Kurtunwaarey ee maamulka Koonfur Galbeed.

Duqeymaha Mareykanka ayaa lagu eedeeyay inay sababeen dhaawacyo iyo dhimasho badan oo rayid ah. AFRICOM ayaa sheegtay in qiimeynta ay ku go’aamisay in aysan jirin wax howlgal ah oo ciidamada Mareykanka ay sameeyeen xilliyada iyo goobaha la soo sheegayo.

AFRICOM ayaa sheegtay in saddexdii bishan ay hayaan hal kiis oo furan, xogta ku saabsanna la shaacin doono dabayaaqada sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here