Axmed Madoobe oo ballan qaaday in ciidamada ay kaso bixi doonin Buulo Xaaji

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ballan-qaaday in ciidamada dowladda iyo kuwa maamulkaas ee xoreeyay deegaanka Buulo Xaaji aysan dib uga soo laaban doonin magaaladaasi.

 

Axmed Madoobe oo booqday deegaankan oo 90 KM galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ayaa dadka deegaanka u ballan qaaday inay gaarsiin doonaan adeegyada dowladda.

“Waxaan saaka idin kuugu imid inaan kow idin xaqiijiyo in aan la’idinka noqoneynin iyo inaad heshaan adeegga dowlanimada oo la’idin sameynayo sida waxbarashadii, caafimaadkii iyo biyihii ” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Reer Buulo Xaajo dowlad ayaa iidn timid hadda kadib looma dacwoon karo Al-Shabaab, mana lala macaamili karo” .

Buulo Xaaji ayaa kamid ah meelaha ay muddada dheer ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana maalmo ka hor ka saaray Danab iyo Daraawiishta Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here