Ciidamada dowladda oo weeraray goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

0

GALCAD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen goobo aygabaad ka dhigayeen Al-Shabaab oo ku yaalla hawdka u dhexeeya magaalooyinka Galcad iyo Masagawaa ee gobolkaasi.

 

Howlgal ay si wadajir ah qaadeen ciidamada ayaa lagu beegsaday xubnaha Al-Shabaab, waxaana kadib halkaasi ka qarxay dagaal u dhexeeyay labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka warbiyay howlgalkaas ayaa sheegay inay guullo ka gaareen, isla markaana ay cagta mariyeen goobihii ay joogeen Al-Shabaab.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo weli laga dareemayaa agagaarka magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here