Ciidanka sirdoonka Kenya oo ka xeystay xildhibaano ka tirsan BF Soomaaliya

0

NAIROBI (SMN) – Ciidanka Sirdoonka Kenya ayaa ka xeystay Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur iyo Xildhibaan Kooshin oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo maalmahaan ku sugnaa magalaada Nerobi.

 

Ilo xog-ogaal ah ayaa Shabelle u xaqiijiyey in ay Ciidankan ka tirsan Nabadsugida Xildhibaanada ku qasbeen in ay si xoog ah ku raaceen, ilaa hadana lama oga sababta iyo meesha ay la aadeen.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan falka lagula kacay labadaasi xildhibaan.

Nairobi ayaa saldhig waxa ay u tahay xildhibaanada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah hoggaanka dowladda federaalka, waxayna inta badan shirar ku qabsadaan gudaha magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here