DF Soomaaliya oo sheegtay inay howlgal ku dishay 50 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal culus oo ka dhacay gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkan oo ka dhacay duleedka deegaanka Masagawaa ay ku dishay in ka badan 50 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo isugu jiray saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa kooxda.

Sidoo kale dowladda dhexe ayaa sheegtay in howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Beerayabaal oo hoostaga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan isna jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, 15, July 2024: In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidanka Qaranka, Geesiyaasha Dadka Deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka, kaasi oo ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaala inta u dhaxaysa magaalada Masagaway iyo deegaanka Cawsweyne ee gobalka Galgaduud.

Xubnaha lagu laayay howlgalkaan ayaa isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah, waxaana howlgalku uu ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada degaanka ay heleen xogta cadowga oo isku aruursanayay halkaas.

Geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa hadda ku sugan goobihii dagaalku ka dhacay, iyadoo wali lagu raad joogo maleeshiyaad fara ku tiris ah oo isku dayaya inay naftooda la baxsadaan.

Dhanka kale, maalmihii ugu danbeeyay Ciidanka Xoogga Dalka oo ay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed waxay cadowga jab xoogan ku gaarsiiyeen deegaanka Beerayabaal oo hoostaga degmada Buulo Burde ee gobalka Hiiraan, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka kuwaas oo hadda shacabka ku nool ay gaartay neecawda dowladnimada.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta nafla caariga ah ee duulaanka ku ah dalkeena, dadkeena iyo diinteena.

-Dhammad-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here