DF Soomaaliya oo sheegtay inuu bilowday wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu bilowday wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo lagu xoreynayo deegaano horleh.

 

Wasiir Fartaag ayaa tilmaamay in dowladdu qaaday wajiga labaad ee dagaalka, uuna ka socd aagga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidamada ay dhaq-dhaqaaqeen, kuna sii socdeen aagga degmada Badhaadhe oo hadda ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“Wajiga labaad ayaa bilowday, Kismaayo ayuu ka socdaa Buulo Xaaji ayaa la marayaa, waxaana lagu socdaa Badhaadhe oo waxyar ayaa kasii dhiman” ayuu yiri Fartaag.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Kuwa meelaha mar maraayo ee dhahayo meelihii laga kiciyay Khawaarijta waa kusoo noqdeen waa beenaalayaal weeye”.

Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here