Doorashooyin ka dhacaya saddex degmo oo ka tirsan Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashooyinka Puntland ayaa saaka ka socota deegaano kamid ah maamulkaasi, kuwaas oo laga qaban doono saddex degmo.

 

Guddoomiyaha KMG ah ee guddiga doorashada Puntland, Mudane Axmed Maxamuud Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in doorashooyinkan ay dhacayaan 23-ka bishan oo beri ku beegan, waxayna ka qabsoomi doonaan degmooyinka kala ah Garoowe, Dangoronyo iyo Godob Jiiraan, kuwaas oo ka haray doorashooyin horay u dhacay.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in isla maanta ay qaybin doonaan kaararka cod-bixinta, si loo guda galo doorashadan oo ay ku loolami doonaan ururada siyaasadda Puntland.

Doorashooyinkan oo ah kuwa dhammeystir ah ayay Puntland u diyaar garowday, waxaana ciidamo dheeraad ah la geeyay degmooyinka saddexda ah, si ay u xaqiijiyaan ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here