Dowladda Masar oo markale taageero u muujiysay midnimada Soomaaliya

0

MUQDISH9 (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Mudane Badar Cabdulcaati ayaa sheegay in dowladda Masar ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, kaddib shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay caasimadda Muqdisho.

 

Ugu horeyn, wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen, wuxuuna ku tilmaamay daah-furka khad duulimaad toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar dhacdo taariikhi ah oo ka tarjumaysa xiriirka qotada dheer ee labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa u gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud salaan uu ka siday, Madaxweynaha Masar Mudane C/fataax Al-Sisi, iyo fariin oo ugu rajeeyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo barwaaqo.

Wasiir Badar Cabdulcaati ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska maalinta xorriyadda, wuxuuna bogaadiyay doorashada Soomaaliya ee xubinnimada Golaha Ammaanka.

Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay si wada jir ah uga wada tashadaan caqabadaha ka jira gobolka, kuna baaqay in la ixtiraamo mabaadi’da deris wanaaga.

Dowladda Masar waxay aad u daneyneysaa midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya, waxayna taageereysaa dadaallada ay dowladda Soomaaliya kaga hortageyso isku day kasta oo lagu waxyeeleynayo madax-bannaanideeda.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyayin Masar ay garab taagan tahay Soomaaliya, islamarkaana ay diyaar u tahay inay ka caawiso dhan walba oo suurtagal ah, sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here