Dowladda Soomaaliya oo soo saartay warbixin ka kooban 26 qodob

0

MUQDISHO (SMN) – Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 28-ka June 2024.

 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska 26-ka June oo ah markii ay xoroobeen gobollada waqooyi ee dalka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyay shacabka iyo Dowladda Djibouti munaasabadda 27-ka June oo ah markii Djibouti ay xornimadeeda qaadatey.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmey siyaasiyiin ka tirsan goleyaasha federaalka ee ka soo jeeda gobollada waqooyi.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa oo furay shir looga hadlayey xoojinta iskaashiga Urur Goboleedka Bariga Afrika.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyaga oo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya Mudane Richard H. Riley.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax dhigay dhismooyin cusub oo ay yeelan doonaan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Hay’adaha Isgaarsiinta Qaranka iyo Dhowrista Xogta iyo Tayo-dhowrka.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay imtixaanka Dugsiyada Sare ee 2023-2024 oo sanadkan ay u fadhisteen in ka badan 37,000 oo arday.

9- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay safiirro ka socday dalalka Midowga Yurub, kaasi oo looga hadlay arrimaha amniga, ciribtirka Khawaarijta, arrimaha bani’aadminimada, xasilinta iyo mashaariicda horumarinta.

10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Suudaan u fadhiya Soomaaliya Danjire Camaar Axmed Baabakar Cali, waxeyna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

11- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qayb galay shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Afrika iyo Shiinaha, kaas oo looga hadlay sida loo xoojin lahaa iskaashiga, hormarinta garsoorka Afrika iyo Shiinaha.

12- Dowladda Soomaaliya ayaa wadahadal ka billowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu tahay sidii looga hadlayo mustaqbalka hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

13- Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Cusmaan ayaa khudbad uu kaga hadlayo horumarka Soomaaliya ka jeediyay magaalada New York.

14- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Xoosh ayaa booqday degaanka Buulo Xaaji oo dhowaan laga xoreeyay Khawaarijta Shabaab.

15- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeybgalay shirka Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sannadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka.

16- Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya Marwo Karen Johanson.

17- Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Danjirha Mareykanka ayaa kulan ay wada yeesheen waxay ka wadahadleen dadaalada loogu jiro sidii dalka looga xorayn lahaa Khawaarijta.

18- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qaabilay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane Joachim Waern.

19- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa qaabilay Ku-Xiigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha bani’aadminimada Mudane George Conway.

20- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Qatar Red Crescent iyo Health+ ayaa daah-furay mashruuc ku saaban qaliinka wadnaha ee carruurta.

21- Maareeyaha Guud ee Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka(HIQ) Mustafa Yaasin Sheekh, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 29-aad ee Ururka Isgaarsiinta Bariga Afrika (EACO) oo ka dhacay dalka Kenya.

22- Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyed ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Maxamed Xasan Cali Dhiblaawe oo degmada Dayniile ku dilay Hooyadii dhashay iyo abti hooyadiisa la dhashay.

23- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa ka qeyb galay munaasabadaxXuska Sanad guurada 47-aad ee Ciidanka Boliiska dalka Jabuuti oo ka dhacday Akadeemiyada Boliiska ee Idiris Faarax Caabane ee magaalada Djibouti.

24- Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin ajanabi ah oo ka tirsan Khawaarijta, kaas oo doonayay inuu doon ka raaco xeebaha deegaanka Mareeg.

25- Isxaaq Sheekh Cali Cabdullahi oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Baydhabo.

26- Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa howlgal looga ciribtirayo Khawaarijta ka sameeyey Deegaano hoos yimaada Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Bay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here