Farmaajo oo war kasoo saaray dagaal beeleedka ka socda gobolka Mudug

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo warsaxaafadeed soo saaray maanta ayaa ka hadlay dagaal beeleedka ka qarxay galbeedla gobolka Mudug.

 

Farmaajo ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya aagga degmada Goldogob oo uu maanta dhex maray dagaal culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

BAAQ NABADEED OO KU SOCDA BEELAHA WALAALAHA AH EE KU DAGAALAMAYA GOBOLKA MUDUG

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu,

Dadka wada dhashay ee isku diinta, dhaqanka iyo ehelka ah ee ku dagaalamaya Galbeedka Gobolka Mudug waxaan u soo jeedinayaa in ay joojiyaan dagaalka sokeeye iyo daadinta dhiggooda, kana fakeraan aakhiradooda iyo adduunkoodaba.

Dagaal sokeeye waa ka soo daaleen dadkeennu, mana jirto cid guul iyo natiijo wanaagsan ka keentay, sidaas awgeed, jidka idiin furan waa in aad gacmaha isqabsataan, wadahadal iyo walaalnimana ku dhammeysataan wixii khilaaf ah.

Culumada, odayaasha dhaqanka, iyo waxgaradka waxaan ugu baqaayaa in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, dhexdana ay u xirtaan sidii ay xisadda u dejin lahaayeen.

Dowladda Federaalka, Galmudug iyo Puntland waxaan ku adkaynayaa in ay si dhow uga wada shaqeeyaan nabadaynta iyo joojinta colaadda deegannadan.

Waxaan Alle ka baryeynaa in uu qalbigeenna isu soo jeediyo, nabad iyo barwaaqana ku manneysto dalkeenna.

Wabillaahi Tawfiiq.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here