Go’aano culus oo laga soo saaray colaadda ka taagan degmada Luuq

0

LUUQ (SMN) – Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Fedweraalka ,maamulka Jubbalanad iyo waxfarad kale oo maalmahaan ku sugnaa Degmada Luuq ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku saabsanaa xal u helidda colaadihii sokeeye ee dhexmaray bulshada ku dhaqan degmadaasi.

 

Warsaxaafadeedkaan ayaa dhigaya in loo hoggaansamo xabad joojin shuruud la’aan ah iyo in la badbaadiyo hantida shacabkii barakacay,in laga wada qeybqaato nabadda , in dadku ay ku soo laabtaan guryahooda iyo in loo diyaargaroobo wadaxaajood ay ka qeybgalaan dhinacyadii ku dagaalamay halaasi

Wafdigii ka qeybgalay heshiisiinta bulshada ku sugan Degmada Luuq waxaa kamid ahaa Wasiir Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Mudane Axmed Cumar Maxamed iyo Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland.

Heshiiska nabadeed ee la dhexdhigay dadka walaalaha ah ee ku dhaqan Degmada Luuq waxaa kaloo ka qeybgalay maamulka Degmada Luuq,saraakiisha ciidamada,oday dhaqameedyo iyo waxgarad kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here