Golaha Amaanka ee QM oo ka shiraya Xaaladda Soomaaliya

0

NEW YORK (SMN) –  Waxaa Maalin Isniinta berri ah uu Gollaha amaanka yeelan doonaa shir gaar ah oo looga hadlayo xaaladda dalka Soomaaliya, dhinaca amniga, dowlad-dhiska iyo arrimaha bini’aadanimo.

 

Ku simaha ergayga QM James Swan iyo Wakiilka Midowga Africa, ahna Madaxa Howlgalka ATMIS Mohamed El-Amine Souef ayaa warbixino ka siin doono Gollaha amaanka xaaladda Soomaaliya xiligan ay ku jirta iyo horumaradii laga gaarey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Shirka Gollaha Ammaanka ayaa sidoo kale looga hadli doonaa isbedelka dhaqaalaha, dhameystirka Dastuurka, gaar ahaan ansixintii Baarlamaanka uu ansixiyay afarta cutub ee ugu horeysa oo dhigaya in dalka uu u guuro nidaamka dimuqraadiga ah, doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo dooran doono Xildhibaanada iyo Madaxweynaha marka uu dhamaado Mudo xileedka dowladda hadda jirta.

Wax ka bedelka dastuurka ayaa abuuray khilaaf siyaasadeed cusub, kadib markii ay kahor yimaadeen Puntland iyo siyaasiyiinta ay kamid yihiin Madaxweyne hore Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre, C/raxmaan C/shakuur iyo kuwa kale, iyagoo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu rabo xukunka inuu kusoo aruuriyo gacantiisa, maadaama qodobada wax laga bedelay Dastuurka qaar ay dhigayaan nidaam dalka ku yeelanayo Madaxweyne iyo ku xigeen, iyadoo la nlbaabi’inayo Jagadda Raiisul Wasaaraha.

Marka laga soo tago khilaafaadka jira, dowladda waxay samayso guulo iyo horumaro la taaban karo oo ay kamid yihiin deyn-cafinta, ku biirista Bulshadda Bariga Africa, qaadista cunaqabataynta Hubka iyo kamid noqoshadda Gollaha Amaanka ,oo Soomaaliya 6dii bishan loo doortay kursiga aan joogtada ahayn 2025 illaa 2026.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here