Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari oo ku geeriyooday Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Allah ha u naxariistee waxaa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

 

Geerida Maxamed Cusmaan Jawaari waxaa xaqiijiyay warbaahinta dowladda iyo qaar ka mid ah ehelladiisa, waxaana la sheegay in Jawaari muddooyinkii dambe uu xanuunsanaa, xanuunkaasna uu u geeriyooday.

Sidoo kale waxa uu ahaa garayaqaan iyo siyaasi. Waxa uu soo noqday Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya, isagoo mar noqday ku simaha madaxweynaha bilihii August iyo September sanadkii 2012-kii.

Burburkii Soomaaliya ka hor, waxa uu xillal ka soo qabtay xukumaddii Militariga ee Maxamed Siyaad Barre

Professor Jawaari waxa uu ku dhashay 7-dii, bishii December ee sanadkii 1945-kii Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose. Waxaa uu ku geeriyooday da’da 79 sano jir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here