Maamulka G/Banaadir oo faah-faahiyay khasaaraha roobkii ka da’ay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay khasaarihii ka dhashay roobkii 24-saac ee la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in roobka uu khasaara kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo burbur waddooyinka qaar uu geystay.

Waxa uu intaa ku daray afhayeenku in Roobka ay ku dhinteen laba caruur ah,325 qoysana uu sameyn ku yeeshay,11-gurina uu burburiyay Roobka,sidoo kale waxa uu tilmaamay laba waddo uu kamid ah kuwa halbowlaha u ah isu socdoka dadweynaha in ay burbureen,maamulka Gobolka Banaadirna uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhisayo waddooyinkaasi.

Afhayeenka waxa uu sheegay in howlwadeennada gobolka Banaadir ay ku da’daaleen sidii waddooyinka biyaha looga dhuuqi lahaa islamarkaan la isugu furi lahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu shacabka uga digay sadaasha ah in uu da’o roob kale,isagoo shacabka dagan goobaha biya fariisiga ah iyo kuwa ku nool guryaha burbursan in ay ka feejignadaan sameynta uu Roobka u geysan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here