Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa oo aano qabiil loogu dilay Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Maleeshiyaad hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay xalay dil argagax leh u gaysteen Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaakiiskiisa oo ku sugnaa deegaanka Bulacle oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

 

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ay weerar ku qaadeen guriga Macallinka, kadibna ay dileen isaga iyo xaaskiisa, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dadka deegaanka oo ka argagaxay falkan ayaa sheegay in baxsadeen kooxihii ka dambeeyay weerarka, waxaana haatan socda baaritaano dheeraad ah.

Dilkan foosha xun ayaa la xiriiriyay aanooyin qabiil oo ka taagan qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa marar badan kusoo noq-nqoday dagaal beeleedyada, waxaana babar socda dilal ay isku geysanayaan beelaha wada daga gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here