Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay boqorka dalka Nowray + Sawirro

0

OSLO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga boqortooyada ee Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus.

 

Madaxweynaha iyo Boqorka ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, iyagoo diiradda saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha, amniga, isbeddelka cimilada adduunka iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Boqorka iyo shacabka Norway taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo ay ku jirto dib u dhiska dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la wadaagay Boqor Harald V horumarka iyo isbedelada waaweyn ee ka socda Soomaaliya, isagoo xusay dadaallada dowladda ee ku aaddan nabadeynta, kobcinta dhaqaalaha, iyo hagaajinta adeegyada bulshada, isagoo adkeeyay nabadda iyo horumarka gobolka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here