Maxaa ka jira in lacag laga qaadayo dadka meydadka kala baxayo Iskuul Buluusiya?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda kasoo korortay qabuuraha Iskuul Buluusiya, kadib markii ay dowladda Soomaaliya amartay in lagala baxo maydadka.

 

Yabooh ayaa sheegay in dhulkaas uu yahay dan-guud, ayna u baahan tahay dowladda, si loo dhiso, looguna adeego shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay cabashada kasoo yeereysa ehellada maydadka ku aasan halkaasi, wuxuuna beeniyay inay jirto lacago laga qaadayo dad la baxayo maydadkooda.

Waxaa kale oo uu si kulul u weeraray siyaasiyiin uu sheegay in aysan rabin horay u socodka dalka, isaga oo ku eedeeysay inay siyaaadeynayaa xaaladda taagan.

Halkan hoose ka daawo Wareysiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here