Midowga Afrika oo ka fekerayo go’aan ka gaarista codsi ay u dirtay DF Soomaaliya

0

ADDIS ABABA (SMN) – Midowga Afrika ayaa ka baaraan-degaya codsi uga yimid Soomaaliya, kaasoo ahaa in la hakiyo dhimista Ciidamada Midowga Afrika, iyadoo dib loo dhigayo qeybtii bishan bixi lahayd sababo la xiriira xaalada amni iyo cabsi laga qabo inay dib ula wareegto goobagha la faarujinayo.

 

Al-Shabaab oo xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa in ka badan 17 sano ka waday dalka dagaal ay ku doonayso inay ku rido dowladda Soomaaliya.

Qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee loo yaqaan ATMIS laga saaro Soomaaliya ugu dambeyn 31-ka December 2024, iyadoo amniga lagu wareejinayo ciidamada dowladda.

Wajiga saddexaad ee dhimista Ciidanka ATMIS ayaa dalka looga saari lahaa bishan dhamaadkeeda illaa 4,000 oo askari, oo gacanta ku hayay goobo muhiim ah, oo Koonfurta Soomaaliya ku yaalla, sida HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Si kastaba ha ahaatee, sarkaal ka tirsan Midowga Afrika oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in bishii May ee sannadkan ay dowladda Soomaaliya ka codsatay golaha nabadda iyo ammaanka ee ururka Midowga Afrika in muddo saddex bilood ah lagu kordhiyo muddada bixista ciidamada ATMIS.

Dowladda waxa ay dooneysaa in 2,000 oo askari oo kaliya ay baxaan bisha June, halka 2,000 oo kalena ay ka baxaan bisha September, ayuu yiri sarkaalka, isagoo intaa ku daray in Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza ay soo bandhigtay baahida loo qabo in la qaado “Howlgal military” oo Al-Shabaab looga saaro gooba ay ku sugan tahay.

Waqtigan xaadirka ah, 13,500 oo askari oo ATMIS ah ayaa ku sugan Soomaaliya, iyadoo tiradoo markii horey ahayd 22,000 bilowgii howlgalka, oo hore loo oran jiray AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here