Muxuu Farmaajo ka yiri dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday gobolka Galgaduud?

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday gobolka Galgaduud.

 

Farmaajo ayaa baaq nabadeed kasoo saaray dagaalkan, wuxuuna farriin u diray dowladdad dhexe, Galmudug iyo odayaasha dhaqanka oo uu ugu baaqay inay u istaagaan joojinta colaaddaasi.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan;

Colaadda sokeeye ee sanadahan danbe ku soo noqnoqonaya gobolka Galguduud waa murugo iyo nasiib darro aan indhaha laga qarsan karin.

Reer Galguduud, waxaad tihiin ehel iyo walaalo wada dhashay oo maanta laga sugayey in ay iska kaashadaan horumarinta deegaankooda, lana tartamaan gobollada Soomaaliyeed ee u jihaystay nabadda, wadajir iyo dhismaha kaabeyaasha nolasha.

Aqoonyahanka deegaanka, waxgaradka, odeyaasha dhaqanka gobolka iyo Galmudug oo idil waxaan ku boorrinayaa in loo istaago dagaalkaas macno darrada ah, wiil iyo gabar danbane aysan nooga dhiman.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay saaran tahay masuuliyadda badqabka iyo ilaalinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay mudnaan siiso nabadda, xasilloonida iyo dib u heshiisiinta deegaannada muddadan ay ka soo cusboonaadeen colaadaha sokeeye ee gobollada dalka.

ILAAH HA INOO NABADEEYO DALKEENNA

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here