Nin ajnabi ah oo isagoo baxsad ah lagu qabtay Ceeldheer + Sawirro

0

CEELDHEER (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgadiid ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan degmada Ceeldheer ay gacanta kusoo dhigeen nin ajnabi ah oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo baxsad ka ahaa kooxda.

 

Ninkan ayaa lagu qabtay isaga oo doon ka raacayo xeebaha deegaanka Mareeg ee Gobolka Galgaduud, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen inuu ninkan kasoo jeedo Yemen, uuna doonayay inuu ku laabto dalkiisa, balse ay gacanta kusoo dhigeen, kadib howlgal ay sameeyeen.

Saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in ninkan oo ay xogtiisa lasoo wadaageen dadka deegaanka, kadibna ay sidaas ku qaadeen howlgalka guuleystay.

“Ninkan wuxuuna ka mid ahaa maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ku dhibaatoonaya deegaanada ay kaga dhuumaalaysanayaan Galmudug” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta qaranka Soomaaliyeed.

Ceeldheer iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo dhowaan ka hortegay weerar uga yimid dhanka kooxda Al-Shabaab.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ku sugan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo weeraro kusoo qaada saldhigyada ciidamada, sidoo kale la dagaallo ka wada halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here