Sawirro: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shir muhiim ah ka furay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Daahfuray shirka Guddiga Heer Qaran ee Tallaalka, Ciribtirka Cudurka Dabaysha iyo Madasha Badbaadinta Carruurta Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay tallaalka iyo ciribtirka cudurrada halista ah sida dabaysha, si loo hubiyo in carruurta Soomaaliyeed ay helaan daryeel caafimaad oo tayo leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah uga hadlay dadaallada dowladda ee ku aaddan arrintan iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta iyo xoojinta dadaallada lagu ciribtirayo cudurka dabaysha iyo kor u qaadidda barnaamijka tallaalka, si loo badbaadiyo carruurta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here