Soomaaliya oo loo sameynayo ciidan cusub oo bedela kuwa ATMIS

0

MUQDISHO (SMN) – Gollaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa ayaa si buuxda u taageeray in la dhiso ciidan cusub ka dib marka uu dhamaado hawlgalka hadda socda ee ATMIS bisha Diseembar 2024.

 

War saxaafadeed kasoo baxay Gollaha ayaa lagu sheegay in howlgalka cusub ee Midowga Africa uu hoggaaminayo diiradda saari doono taageeridda dowladda federaalka ee la wareegista goobaha wali ay ku sugan tahay Al-Shabaab, sugida amniga iyo xasilinta deegaanadii horey loo qabtay iyo dowlad-dhisidda.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa bisha soo socota inay u gudbiso Midowga africa qorsho howleedka howlgalka cusub, kaasoo ugu dambeyn la horgeyn doono Gollaha amaanka ee QM si uu u ansixiyo.

Ciidamada ka qeyb-qaadan doono howlgalka cusub waxay ka imaan doonaa isla dalalka hadda askarta ka jooga Soomaaliya marka laga raabo Itoobiya, sida uu sheegay la-taliyaha amniga qaranka Madaxweyne Xuseen Maclin.

La-taliyaha wuxuu shaaciyay in hal askari oo Itoobiyan ah uusan dalka sii joogi dooni wixii ka dambeeya December 2024. Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo labada dal u dhaxayso xiisad ka dhalatay heshiiska badda Somaliland.

Dhanka kale, Midowga Africa waxuu taageeray codsigii uga yimid dowladda Soomaaliya bishii May 2024 ee ahaa in la hakiyo Wajiga 3aad ee bixista ATMIS mudo 3 bilood ah, iyadoo 4,000 oo askari oo bishan bixi lahaa loo qaybiyey laba qaybood, 2,000 dhamaadka June 2024 la qaadayo iyo 2,000 bixi doonto Sebtembar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here