Wararkii ugu dambeeyay howlgallo ka socda koonfurta gobolka Mudug

0

XARARDHEERE (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ayaa lagu soo warramayaa inay maanta ay dhaq-dhaqaaqyo xoogan iyo howlgallo ay ka wadaan qaybo kamid ah gobolka Mudug.

 

Howlgallada oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa si gaar ah uga socda aagga degmada Xarardheere, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

“Howlgal ka dhanka ah Khawaarijta oo Ciidamada Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ay ka wadaan Koofurta Gobalka Mudug ayaa lagu beegsaday goobo kala duwan oo Khawaarijtu isku uruursanaysay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in howlgalkan khasaare culus lagu gaarsiiyay xubnaha Al-Shabaab ee isku aruursanayay koonfurta gobolka Mudug.

“Khasaare xoog leh ayaa cadowga Khawaarijta ah lagu gaarsiiyay howlgalkaas oo ka socda deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah oo inta badan ka taageera dhanka hawada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here