Wararkii ugu dambeeyay kulamada uu ra’iisul wasaare Xamza ka wado Baqdaad

0

BAQDAAD (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ciraaq Mudane Dr. Fu’aad Xuseen.

 

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ciraaq, sidoo kale waxaa kulanka diirradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq, guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasillinta dalka, dib-u-dhiska hey’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka Argaggixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here