Wararkii ugu dambeeyay xiisadda ka taagan degmada Xarardheere

0

XARARDHEERE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta xaalada kacsanaan ah laga dareemayo degmada Xarardheere ee gobolkaasi, oo ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay xilka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii degmadaas, Maxamed Yuusuf Kulmiye.

 

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayo Xarardheere, isla markaana laga cabsi qabo dagaal.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in magaalada ay isaga baxeen ciidamada deegaanka oo fariisimo cusub ka sameystay duleedka degmadaasi.

Xiisaddan ayaa sii xoogeysatay kadib markii ciidamada qaar ay la safteen guddoomiyihii xilka laga qaaday, waxaana haatan magaalada Xarardheere ay gashay xaalad adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here