W/ Awqaafta iyo Diinta oo beenisay inuu khilaaf kala dhexeeyo Culimada

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya Saalax Shariif Sayid-Cali oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan khilaaf la sheegay inuu soo kala dhex-galay hoggaanka sare ee wasaaradda iyo qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed.

 

Saalax Shariif ayaa beeniyay inuu jiro khilaaf ka taagan wasaaradda, kaas  oo u dhexeeyo Culimada & wasiir Mukhtaar Roobow oo maalmihii dambe la kulmayay dhaleeceen xoogan.

Wasiir ku xigeenka ayaa wareysigan ku sheegay inay jiri karto tabasho, taasina ay xalin doonaan hoggaanka wasaaradda awqaafta iyo arimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan wasaaradda AY ku howlan tahay arrimaha Xajka oo qaar kamid ah Culimada ay dhaliileen hanaanka ay u maamuleyso adeegga Xajka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here