Xiisad dagaal oo ka taagan gobolka Mudug kadib dagaallo ka dhacay

0

GOLDOGOB (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in weli xiisad xoogan oo u dhexeyso laba maleeshiyo beeleed ay ka taagan tahay aagga degmada Goldogob ee gobolkaasi.

 

Xiisaddan ayaa daba socota dagaal qaraar oo shalay ka dhacay inta u dhexeysa Gaalkacyo iyo Galdodob, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 15 qof, halka ay ku dhaawacmeen 30 kale, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Maamullada Galmudug iyo Mudug ayaa haatan wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan, sidii looga hortegi lahaa colaadaasi.

Gobollada dhexe ayaa waxaa kasoo cusboonaaday dagaal beeleedyo horleh, waxaana sidoo kale ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here