Xubno ka wada tirsan Al-Shabaab oo maanta ku dagaalamay gobolka Baay

0

BAYDHABO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku dagaalameen deegaanka Ufurow ee gobolkaasi.

 

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay isku dhacaasi ayaa lagu sheegay in xubnaha dagaalamay ay isku qabsadeen lacago ay kasoo aruuriyeen dadka shacabka ah.

Sidoo kale waxaa warbixintan lagu sheegay in dagaalka lagu dilay labada xubnood, sidoo kale lagu dhaawacay mid kale.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here