๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ โ€œ๐—ช๐—ฎ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ธ๐—ต๐—ถ ๐—ฎ๐—ต ๐—ผ๐—ผ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ด๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ท๐—ผ๐—ผ๐—ด ๐—ธ๐—ฎ ๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฎ๐˜† ๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐˜† ๐˜…๐—ฎ๐—พ๐˜‚๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ฑ๐—ฎ๐˜€๐˜๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†๐—ฑโ€.

0

Muqdisho, Arbaco, 16 Abriil 2025: โ€” Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagey xarunta diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ee degmada Shangaani oo ay ka socoto diiwaan galinta dadweynaha doonaya in ay qaataan kaararka codbixinta doorashooyinka oo muwaadinka xaq u siinaya in uu doorto ciddii uu doonayo inay hoggaamiso.

 

โ€œWaa guul in Shacabka Soomaaliyeed xaquuqdoodii u soo laabatay oo ay codkooda ku dooranayaan cidda ay rabaan, dadka leh doorasho qof iyo cod ah dalkaan kama dhici karto, waxaa beeninaya dadkaan safafka ku jira oo muujiyey in ay diyaar u yihiin in aysan marti ka noqon goโ€™aannadooda masiiriga ahโ€œ. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo ka hadlayay goobta la isku diiwaangelinayo ee degmada Shangaani, ayaa ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in ay is diiwaan-geliyaan, si ay u helaan xuquuqda ay u leeyihiin in codkooda ay ku doortaan cidda ay doonayaan.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay dadka Soomaaliyeed u leedahay doorashada tooska ah ee dadweynaha, isagoo xusay in tallaabadani ay meesha ka saareyso nidaamkii hore ee wax lagu soo dooran jiray ee dadbanaa, kaas oo shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dhaafinayey.

May be an image of 8 people and textMay be an image of one or more people and text that says "DOORASHADI DOORASHADIWAA WAA LAGAARAY! T AR SIAAD DOORTO DOORATO LAGUU NUV MuyA e0e DAADAHA JW"May be an image of 3 people and textMay be an image of 2 people, crowd and textMay be an image of 8 people, dais and text that says "MAANTA MAANTAWAAMAAL WAA MAALIA SOOMAALIYA DOORASHOPFIY DF/N F WAXA DOORASHO MUWAA FURSAD AI"May be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 4 people and text that says "hooyin X an-g iyo xalaal ah oo dalke bulsล‚ da horn d AH JU ์‚ฌ์ด A Ax UM FAY EYA"May be an image of 1 person, crowd and text

โ€”DHAMMAADโ€”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here