RIYADH – Kooxda dhakhaatiirta qalliinka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta si guul ah ugu kala saaray Isbitaalka Takhasusiga ah ee Carruurta ee Boqor Cabdalla, gabdho mataano ah oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ku dhashay iyagoo isku dhegsan.
Qalliinkan adag, oo qaatay muddo 12 saacadood ah, ayaa soo maray 8 marxaladood oo isdaba joog ah. Waxaa hawlgalkan dhiirran fuliyay koox ka kooban 36 khubaro ah, oo isugu jiray dhakhaatiir takhasusi ah, kalkaaliyayaal, iyo farsamayaqaanno sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee caafimaadka.
Dr. Cabdalla bin Cabdulcasiis Al-Rabeeah, oo ah Kormeeraha Guud ee hay’adda Gargaarka ee Boqor Salmaan ahna madaxa kooxda caafimaadka, ayaa shaaca ka qaaday in qalliinkan uu ahaa kii 68-aad ee barnaamijka Sacuudiga ee kala saarista mataanaha isku dhegsan. Barnaamijkan, oo bixiya adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo dadka tabaalaysan ee ku nool daafaha caalamka.
Dr. Al-Rabeeah ayaa xusay in muddadii 35-ka sano ahayd ee uu barnaamijkani shaqaynayay, daryeel heer sare ah loogu fidiyay 156 mataano ah oo ka yimid 28 waddan. Waxa uu intaas ku daray in guushani ay marqaati u tahay doorka hormuudnimo ee Boqortooyada Sacuudiga ay kaga jirto gargaarka bani’aadamnimada iyo horumarka caafimaadka caalamiga ah.
Waalidiinta dhalay Raxma iyo Ramla ayaa muujiyay dareen farxad iyo kalsooni ku dheehan tahay, iyagoo u mahadceliyay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis, iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Maxamed bin Salmaan, fursadda iyo daryeelka naadirka ah ee carruurtooda la siiyay. Sidoo kale, waxay ammaan iyo mahadnaq ballaaran u soo jeediyeen kooxda dhakhaatiirta ah iyo dhammaan shaqaalaha isbitaalka ee soo dhoweynta diirran u fidiyay muddadii ay joogeen dalkaasi.
Qalliinka ka dib, xaaladda labada gabdhood ayaa hadda si dhow loogu dabagalayaa qaybta daryeelka deg-dega ah (ICU) ee carruurta, si loo hubiyo soo kabashadooda buuxda iyo caafimaadkooda guud.




