Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin culus u diray xubnaha mucaaradka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad xasaasi ah jeediyay Jimcihii ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab.

 

Madaxweynaha ayaa si toos ah ula hadlay xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo maamulkiisa, wuxuuna ugu baaqay inay garab ku siiyaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo xoreynta dalka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in loo midoobay dagaalka ka socda dalka, si meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xaalad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka, taas oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka, oo ay si weyn uga horyimaadeen mucaaradka iyo Puntland oo iyadu gebi ahaan xiriirka u jartay dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here