Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay madaxweyne Laftagareen + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa caawa kulan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur galbeed Md. H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha taagan ee bani’aadannimo, sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka Koonfur galbeed iyo u diyaar-garowga sidii loo gacan qaban lahaa dadka ay saameeyaan dagaallada dalka lagu xoreynayo iyo door ku lahaanshaha barnaamijyada xasilinta.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dardargalinta mashaariic loogu talagalay DG KGS oo ay hay’adda SoDMA fulin doonto iyadoo kaashaneysa Wasaradda Gargaarka KGS, mashaariicdaas oo uu maal geliyay Bankiga Aduunka.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Hay’adda SoDMA iyo hoggaankeeda ugu mahad-celiyay howlaha ballaaran ee hay’addu dalka ka waddo, gaar ahaan howlaha bani’aadannimo ee ay ka fulisay degaannada maamulkaas.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here