Musharrax Liibaan Axmed Xasan oo farriin culus u diray shacabka Galmudug

0

MUQDISHO (SMN) – Musharrax madaxweyne Galmudug Liiban Axmed Xasan oo warsaxaafadeed so saaray ayaa u hambalyeeyay shacabka Galmudug oo xalay u dabaal-dagay sanad guuradii kasoo wareegtay aas aaska maamulkaasi.

 

Liiban Axmed Xasan ayaa sidoo kale farriin midnimo ah u diray dhammaan reer Galmudug.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Waxaan hambalyo ballaaran u diraya dhammaan shacabka Galmudug oo maanta u dabaaldagaya 18 guurada aas-aaskii maamulka. Waa maalin macno-weyn ugu fadhisa dhammaan reer Galmudug, waxaana ammaan iyo boggaadin mudan cid walba oo door ka qaadatay aas aaskii maamulka, si gaar ah waxaan u xusaya Allaha u naxariistee madaxweyne Maxamed Warsame Cali Kiimiko.

Sidoo kale waxaa mar walba munaasabaddan ku lamaanan mideyntii reer Galmudug iyo goggoshii abaalka iyo garashada ee Cadaado ee 2015, taas oo dhalisay inuu maanta jiro maamul ay reer Galmudug u dhanyihiin oo leh calan, caasimad, ciidan iyo hay’addo shaqeeya.

Munaasabaddan awgeed waxaan raba inaan u mahadceliyo madaxda Dowladda Federaalka ah, ciidanka xoogga dalka, daraawiishta Galmudug, ciidanka deegaanka iyo shacabka Galmudug oo labadii sano ee lasoo dhaafay ku guuleystay iney argagixisada ka saaran dhul ballaaran. Sidoo kale waxaan ku baaqaya inaan laga caajisin la-dagaalanka khawaarijta oo ah halista ugu weyn ee taala Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

18 sano kadib, dadka reer Galmudug waxay u baahanyihiin iney iska wareystaan maxaa noo qabsoomay, maxaan ka gaabinay iyo nooca hiigsiga.

Galmudug oo maanta 18 jir ah waxaa wali yaala caqabaddo ay ka mid yihiin argagixiso, collaado qabiil, shaqo la’aan baahsan, kala aamin-bax siyaasaddeed, dhaqaalo xumo iyo gaabis hoggaamineed, waxaana sanad guuradani ay kusoo aaddeysa iyadoo ay dadka reer Galmudug sugayan iney dhacdo doorashadii maamulka, sidaa darteed waa in aanan markale la il-duufin, oo aan ka fakarna hoggaan awoodda inuu argagixisada ka dulqaado reer Galmudug, dadku u simanyihiin, xal u keeni kara collaaddaha qabiilka, Sidoo kalana dhisi kara illaha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Markale hambalyo reer Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here