MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka Ciidamada Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo qoraal soo saaray ayaa raalli-gelin ka bixiyay gef uu dhawaan kula kacay wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, kaas oo keenay in warbaahinta joojiso wada shaqeynta Booliska.
Cabdifitaax Aadan ayaa raalli-gelin buuxda siiyay bahda warbaahinta, wuxuuna sheegay inay isugu yimaadeen kulan ay iskula garteen in dib loo soo celiyo wada shaqeynta labada dhinac.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-
Waxaan raalli galin buuxda ka bixinayaa Tabashooyinka Wariyayaasha iyo Warbaahinta ay ka howl-galaanba ee Muqdisho ka qabeen qeybta Warfaafinta ee Boliiska gaar ahaan Xafiiska Af-hayeenka Boliiska Soomaaliyeed
Warbaahintu waa tiir ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dalka jiheeya waxayna door muuqda ka qaadtaan nabadda iyo baraarujinta bulshada,Sidaas awgeed waxaa bogaadinayaa doorkoodaas islamarkaana ugu baaqay inay sii laba jibaaraan howsha baaxadda leh ee dadka iyo dalka u hayaan.
Kulama noo Socdey Maalmihii Lasoo Dhaafey Ayaan ku lafa gurney wixii Qaladaad ah ee jirey waxaana ugu mahadcelinayaa sida qiimaha leh ee ay u aqbaleen inay Lashaqeeyaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed .tabashadoodina wax laga qabtey intii karaankeena aheyd ,
Guddiga Wariyayaasha matalaayey ayaa dhankooda aqbalay raalli-galinta waxayna ballan-qaadeen inay sii xoojinayaan wada shaqeynta
Wada Shaqeyn wacan