Wararkii ugu dambeeyay dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay gobolka Galgaduud

0

CADAADO (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed mar kale dib uga qarxay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

 

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa xalay si gaar ah uga dhacay deegaanka Bali-seenyoole oo u dhaxeeya Cadaado iyo Caabudwaaq, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay in ka badan 10 qof oo isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo intaasi ka badan.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here