Baarlamaanka Kenya oo xilka ka xayuubiyay madaxweyne ku xigeenka dalkaasi

0

MUQDISHO (SMN) – 281 Xildhibaan oo Kenyan ah ayaa habeenimadii xalay u codeeyay mooshin xilka looga qaadayo Rigathi Gashagu oo ah ku xigeenka madaxweynaha dalka Kenya kadib markii ay is khilaafeen William Ruto oo la doortay 2022-kii.

 

Illaa 44 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa u codeeyay maya iyaga oo diidan mooshinka, waxaana ka aamusay 1 xildhibaan.

Muuqaallo Baarlamaanka laga soo duubay ayaa muujinaya Xildhibaano u dabaaldegaya guusha mooshinka xil ka qaadista oo la filayo inuu u gudbo aqalka sare oo isna u codeyn doono maalmaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here