GAROOWE (SMN) – Puntland ayaa si adag uga hadashay hadal shalay kasoo yeeray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aadan in deegaanada Puntland loo daabulay shixnado gargaar ah oo ka yimid dhinaca dowladda dhexe.
Wasiirka gargaarka Puntland Ubax Cabdirashiid oo Wareysi siisay Shabelle ayaa sheegtay in deeqaha dunida ka yimaada ee DF lasoo marsiiyo aanan lasoo gaarsiinin Puntland, isla-markaana wararka sheegaya in gargaar lasoo gaarsiiyo Puntland ay yihiin kuwo been abuur ah.
Ubax ayaa xustay in la siyaasadeeyo gargaarka bani’aadanimo ee loogu tala galay in dadka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo si siman.
“Ma jirto wax gargaar ah oo DFS nooga yimid, caalamka waxaan u cadeynaynaa in la siyaasadeyay Deeqihii Caalamiga ahaa” ayay wareysiga ku tiri Wasiir Ubax Cabdirashiid.
Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday dunida in saamiga ay leedahay Puntland cidna aan loo soo marsiinin, iyada oo sheegtay in dalka ay ka bilaabatay abaar aad uu xoogan.