Soomaaliya oo ka tacsiyeysay daadadka khasaaraha geystay ee Texas, Maraykanka

0

Muqdisho, Luulyo 7, 2025– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii u dirtay tacsi tiiraanyo leh shacabka iyo dowladda Mareykanka, kaddib daadad xoogan oo ku dhuftay bartamaha gobolka Texas, kuwaas oo sababay dhimasho badan oo ay ku jiraan carruur, halka qaar kalena weli la la’yahay.

 

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay la wadaagayaan murugada shacabka Mareykanka ee ay musiibadani saameysay.

“Waxaan dareenkeena iyo ducooyinkeenaba la qabnaa qoysaska dhibbanayaasha iyo dhammaan dadka ay dhibaatadu gaartay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Roobab mahiigaan ah oo da’ay maalmo ka hor ayaa sababay daadad xoog leh oo ku fatahay qeybo ka mid ah bartamaha Texas, kuwaas oo burburiyay guryo badan, qaaday gaadiid, isla markaana sababay howlgal ballaaran oo gurmad ah.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in tirada rasmiga ah ee khasaaraha wali lagu hawlan yahay in la xaqiijiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here