Laascaanood – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u gaaray magaalada Laascaanood, oo ah xarunta Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Laascaanood, waxaana halkaasi ku qaabilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, taliyeyaasha ciidammada amniga, madax ka socday dowlad-goboleedyada, odayaal dhaqameed, waxgarad, iyo boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Ka hor imaanshaha madaxda sare, Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa magaalada gaaray si ay u dardar-geliyaan qorshaha amniga. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Booliska ayaa si ballaaran loo geeyay magaalada.
Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Golaha Wasiirrada, saraakiil ciidan iyo xildhibaano ka kala socda labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku sugan Laascaanood.
Ujeeddada safarka Booqashada Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaareyaasha ayaa ah caleema-saarka Madaxweyne Cabdikaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), oo bishii Agoosto 2025 loo doortay Madaxweynaha ugu horreeya ee Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya. Magaalada Laascaanood ayaa martigelin doonta xafladda caleema-saarka iyo kulamo wadatashi ah uu la yeelanayo odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo mas’uuliyiinta deegaanka.
Booqashadan uu ku tagay madaxweynaha magaaladda Laascaanood ayaa noqoneysa mid taariikhi ah mudo (Afartan Sano) ka dib uu madaxweyne ku booqasho tago maagaladda laascaanood ee Gobolka Soon.





