Addis Ababa – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa maanta xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa kaga qeyb galay shirka heer wasiir ee Golaha Nabadda iyo Amniga (PSC) ee Midowga Afrika, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha AUSSOM iyo Suudaan.
Wasiirku waxa uu uga mahadceliyay hoggaanka Midowga Afrika iyo dalalka ciidanka ku biiriya (Troop Contributing Countries) taageerada ay siiyaan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada shaqeynta si loo xoojiyo nabadda, amniga iyo xasilinta Soomaaliya.
Mudane Cabdisalaam Cali ayaa sidoo kale iftiimiyay doorashooyinkii qof iyo cod ee dhowaan ka dhacay Muqdisho, isaga oo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Wasiirku waxa uu muujiyay qaddarinta Soomaaliya ee ku aaddan doorashadeeda Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, isaga oo adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka qeyb qaadashada dadaallada nabadda iyo amniga ee heer gobol iyo qaaradeed.







