Beledweyne (SMN) – Gudoomiyaha gobalka Hiiraan mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta shir Gudomiyey shir looga hadlayay Amaanka gobalka Hiiraan, gaar ahaan magalada Beladweyne oo ah xarunta looga arrimyo gobalka Hiiraan.
Shirka ayaa waxaa qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobalka Hiiraan iyo kan Degmada Baladweyne iyo Sarakiisha Ciidamada.
Ugu horeeyn guddoomiyaha ayaa warbixin guud ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida, asigoo kula dardaarmay xoojinta Amaanka guud ee magalada Baladweyne.
Sidoo kale gudoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay u diyaarsan yihiin doorka kaga aadan qabashada iyo ka shaqeynta Doorashooyin.