Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay degmada Afgooye

0

AFGOOYE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab uu ka dhacay degmada Afgooye oo ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen bar-koontarool oo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in weerarka kadib uu xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Ugu yaraan illaa saddex qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana ciidamada dowladda ay weerarka kadib howl-gallo ka sameeyeen qeybo badan oo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here