MATABAAN (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo degmada Matabaan ee gobolkaasi.
Ciidamada Xoogga dalka ayaa lagu soo warramayaa inay isku ballaariyeen deegaanada hoostaga degmadaas oo ay shalay la wareegeen Al-Shabaab, kadibna ay isaga baxeen.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa dhankooda dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka dhaco duleedka Matabaan.
Si kastaba, shalay ayey aheyd markii ciidamada dowladda iyo xoogaga Al-Shabaab ay isku bad-bedaleen gacan ku heynta Matabaan oo haatan ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda.


![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)

